Cristiano Ronaldo oo burburiyay qorshaha kooxaha Manchester United iyo PSG

(Juventus) 18 Luulyo 2018. Hishiiska  uu Cristiano Ronaldo ku yimid kooxda Juventus ayaa wuxuu wax ka badalay qorshaha mustaqbalka ciyaartoy badan ee Bianconeri.

Wargeyska “Calcio Mercato” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in difaaca garabka bidix ee reer Brazil Alex Sandro uu kusii dhawaanayo inuu baaqi kusii ahaado safka kooxda.

Alex Sandro reer Brazil ayay wararku xaqiijinayaan inuu kusii dhawaanayo joogista safka kooxda Juventus kadib imaatinka laacibka reer Portugal Cristiano Ronaldo.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ayaa dhawaan la wadaagay saxaafada kadib marka ay sameeyeen saxiixa Cristiano Ronaldo.

“Waxaan helay farriimo badan oo ka yimid ciyaartoy badan ee ku faraxsan saxiixa Cristiano Ronaldo”.

Kooxo badan ee Yurub ah ayaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan saxiixa Sandro inta lagu jiro suuqan xagaaga, sida Manchester United iyo Paris Saint-Germain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close