Andres Iniesta oo gaaray Japan si uu u dhamaystiro ku biiridiisa Vissel Kobe +SAWIRRO

(Tokyo) 18 Luulyo 2018 Kabtankii hore ee Barcelona ee Andres Iniesta ayaa gaaray dalka Japan si uu u dhamaystiro ku biiridiisa kooxda Vissel Kobe.

Andres Iniesta ayaa ku dhawaaqay bishii May inuu si rasmi ah ugu biirayo kooxda Vissel Kobe ee dalka Japan oo uu heshiis la gaaray.

Saaka ayuuna gaaray dalka Japan, waxaana si wayn u soo dhaweeyay boqolaal ka tirsan taageerayaasha kooxda Vissel Kobe.

“Aad ayaan ugu xiiso qabay imaanshaha Japan, waxaan doonayaa inaan ciyaaro waqtiga ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Iniesta markii uu soo gaaray dalka Japan.

Football: Andres Iniesta makes stylish arrival in Japan

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close