Alisson Becker oo u soo duulay magaalada Liverpool si uu u maro tijaabada caafimaadka +SAWIRRO

(Liverpool) 18 Luulyo 2018 Goolhayaha kooxda Roma ee Alisson Becker ayaa u soo duulay goor dhaw magaalada Liverpool si uu u maro tijaabada caafimaadka.

Liverpool ayaa maanta dhamaystirtay saxiixa goolhaye Alisson Becker kadib markii ay bixisay lacag dhan 75 milyan oo euro.

Laacibka ayaa goor dhaw ka soo duulay garoonka diyaaradaha ee caasimada talyaaniga ee Roma, wuxuuna haatan ku soo jeedaa dalka Ingiriiska gaar ahaan Liverpool.

Saxafiyiin ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Roma ayaa dhawr sawir ka qaaday goolhaye Alisson Becker ka hor intii uusan raacin diyaarada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close