Alexis Sanchez oo kaligiis looga tagay xerada Tababarka Manchester United kaddib markii loo diiday Mareykanka..(Maxay tahay Sababta?)

(Manchester) 18 Luulyo 2018. Alexis Sanchez ayaa kaligii looga tagay xerada Tababarka Manchester United ee Carrington kaddib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka.

Jose Mourinho iyo xarfaantiisa ayaa maalmaha soo socda ku soo qaadan doona California, laakiin xiddiga reer Chile ayaa isagu Carrington tababarka kaligii ku sameyn doona.

Sababta loogu diiday dal ku galka Mareykanka ayaa lagu sheegay sababo la xiriira been abuur iyo khiyaano canshuureed intii uu la joogay kooxda Barcelona.

Sanchez ayaa ka hor tagay in Xabsi la dhigo kaddib markii uu bixiyay lacagaha canshuurkaadka 890,000 oo waliba la socoto dul saar.

Laacibkii hore ee Arsenal ayaa iminka kaligii tababar kulul ku qaadanaya xerada Manchester United isagoona muuqaal uu iska soo duubay soo dhigay bartiisa Instagram.

Tokeo la picha la Sanchez in Carrington alone

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close