Zinedine Zidane oo Ronaldo ku la biiraya Juventus (Xil nuucee ah ayuu ka qabanayaa?)

(Torino) 17 Luulyo 2018 Zinedine Zidane ayaa markale la midoobaya laacibkiisii hore ee Cristiano Ronaldo kaas oo isbuucaan ku biiray Juventus.

Sida uu baahiyay esRadio, Zidane iyo Juventus ayaa isla gaaray heshiis uu uga mid noqonayo shaaalaha farsamada ee kooxda reer talyaani.

Zidane ayaa la shaqaynaya agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ee Fabio Paratici, waana shaqo lama filaan ah.

46 jirkaan ayaa shaqadiisa cusub ee Juventus loo magacaabi doonaa bisha October ee sanadkaan sida lagu sheegay warbixinta.

Waxaana la filayaa in faah faahin dheeri ah laga bixiyo heshiiska Zidane uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close