Unai Emery oo qeyb kaga soo dhigay Kingsley Coman qorshihiisa suuqan xagaaga

(Arsenal) 17 Luulyo 2018. Wargeyska “Sun” ee dalka England ayaa wuxuu sheegay in macalinka reer spain ee kooxda Arsenal Unai Emery uu xiiseenay lasoo saxiixashada laacibka Bayern Munich Kingsley Coman.

Sida uu wargeyska shaaca ka qaaday maamulka kooxda Gunners ayaa waxay doonayaan inay sameeyaan saxiixa Kingsley Coman oo haatan da’adiisu tahay 22 jir.

Laakiin Bayern Munich ayay wararku sheegayaan in aysan si fudud ku fasaxi doonin da’ayarkeeda Coman, kadib markii uu bandhig cajiib ah ka sameeyay kooxda Bayern.

Kingsley Coman ayaa maray qaliink dhanka jilibka ah bishii Febraayo, wuxuuna garoomada ka maqnaa kala bar xilli ciyaareedkii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close