Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger oo ka hadlay meelaha uu ka liito Lionel Messi

(Barcelona) 17 Luulyo 2018.Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in dhamaan ciyaartoyda aduunka ay leeyihiin cillado iyo meelo ay ka liitaan, tusaale ahaan Lionel Messi.

Arsene Wenger ayaa wareysi uu bixiyay waxaa wax looga weydiiyay xidiga uu ugu jecel yahay kubada cagta.

“Ma jiro ciyaaryahan dhameystiran, dhamaan ciyaartoyda waxay leeyihiin meelo ay ka liitaan, tusaale ahaan Messi waa ciyaaryahan fiican”.

“Wuxuu ka dhigi karaa ciyaartoyda kale in ay si fiican u ciyaaraan, wuxuu dhalin karaa goolal, hadana waxaa jira meelo uu ku liito”.

“Messi kuma fiicna kubada sare, sidoo kale si xoogan uma difaactami karo, laakiin wuxuu sidoo kale ku noolyahay awoodiisa kale, waa in tababaraha uu dhinac dhigaa ciyaartoy kale si ay u daboolaan meelaha uu ka liito, si uu diirada u saaro awoodisa”.

“Marka ay guuleysato Barcelona isla markaana uu bixiyo qaab ciyaareed cajiib ah, waa xiliga iigu farxada badan aniga ahaan, waxay ahaayeen kuwa ugu sareeya heerkooda, waxay ahaayeen koox aan marnaba la garaacin”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close