LAYAAB: Ciyaartoyda iyo tababaraha xulka France oo la ogaaday inay taaban jireen Shaaribka Adil Rami kulan walba hortiis iyo laacibka oo ka hadlay!

(Moscow) 17 Luulyo 2018 Ciyaartoyda xulka qaranka France ayaa la ogaaday arin la yaab leh oo ay samayn jireen kulan walba hortiis koobkii adduunka.

7-dii kulan ee xulka France uu ciyaaray koobkii adduunka ayaa la ogaaday in ciyaartoyda iyo tababare Didier Deschamps ay taaban jireen shaarbaha Adil Rami kulan walba hortiis.

Ciyaartoyda iyo tababaraha xulka qaranka France gaar ahaan Griezmann iyo tababare Deschamps ayaa rumaysnaa in marwalba oo ay taabtaan shaarbaha Adil Rami in xulka uu guul gaarayo.

Adil Rami oo arinkaas ka hadlay ayaa yiri:

“Kulan walba hortiis Griezmann iyo Deschamps waxay taaban jireen shaarbahayga iyaga oo aaminsanaa inuu xambaarsan yahay nasiib, balse taas wax dhib ah uma arkayn”.

“Waxaan xusuustaa in Laurent Blanc uu dhunkan jiray madaxa Fabien Barthez kulan walba hortiis koobkii adduunka ee 1998”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close