Kooxda Paris Saint-Germain oo kula dagaalameysa Manchester United saxiixa Leonardo Bonocci

(Milan) 17 Luulyo 2018. Wargeyska “El Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester United ay ku dagaalamayaan saxiixa kabtanka AC Milan Leonardo Bonocci.

31 jirkan ayaa yimid safka AC Milan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuuna kaga soo dhaqaaqay kooxda Juventus aduun dhan 40 million euros.

Inkastoo uu xili ciyaareed kahor yimid safka kooxda Milan hadana Leonardo Bonocci ayaa ku dhow in uu isaga dhaqaaqo suuqan xagaaga garoonka San Siro.

Wargeyska “El Mundo Deportivo” ayaa sheegay in maamulka kooxda Paris Saint-Germain ay qorsheenayaan in ay gacanta ku dhigto saxiixa Leonardo Bonocci.

PSG ayaan marna u ogolaan doonin kooxda reer England ee Manchester United inay la wareegto Bonocci maadaama saxiixiisa uu xiiseenayo macalinka reer Portgal ee José Mourinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close