“Juventus waxay ku guuleysan doontaa Champions League kadib imaatinka Cristiano Ronaldo”… Jorge Mendes

(Juventus) 17 Luulyo 2018. Wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa ugu bishaareeyay jamaahiirta Juventus in imaatinka Cristiano Ronaldo ay ka dhigan tahay in magaalada Torino uu la yimid koobka Champions League.  .

Juventus ayaa si layaab leh ee cajiib ah kala saxiixatay Cristiano Ronaldo kooxda reer Spain ee Real Madrid, wuxuuna qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah.

Shalay ayay ahayd kadib markii ay Jamaahiirta kooxda Juventus ka codsadeen Cristiano Ronaldo in uu ku hogaamiyo ku guuleysiga Champions League oo si aad ah ay u doonayaan.

Laakiin Wakiilka caanka ah ee Jorge Mendes ayaa laabta ugu qaboojiyay taageerayaasha in imaatinka Cristiano Ronaldo ee Juventus ay ka dhigi doonto in ay ku guuleystaan Champions League.

“Waxaan aaminsanahay in Juventus ay awood u leedahay inay ku guuleysato Champions League kadib imaatinka Cristiano Ronaldo”.

“Waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubada cagta, wuxu kusoo guuleystay dhamaan tijaabooyinkii kala duwanaa uu soo maray”.

Gool FM.

 

 

 

 

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close