DADAALAA WUU GAARAA: Wuxuu ku soo koray FAKHRI, Cago cadaan ayuu ciyaari jiray Kubbada waligiisna kuma…(Aqri SHEEKADAN ku aadan Saxiixa Cusub ee Liverpool Keita)

(English) 17 Luulyo 2018. Liverpool ayaa dadaal dheer muujisay sidii ay u heli lahayd Naby Keita kaa oo ay ugu dambeyn xagaagan kula soo wareegtay 52.75 milyan oo bound.

Waxaa loo xiray lambarka halyeygooda Steven Gerrard 8, waxaana durba la arkay kartidiisa kulamadii saaxiibtinimo ay ciyaartay Liverpool.

Laakiin Keita si sahlan heerkan kuma soo gaarin oo xitaa wuu suureysan waayay inuu si dhab u xiran yahay maaliyada Reds maadaama uu yaraantiisa taageeri jiray.

Wuxuu ku soo koray Nolol Fakhri ah iyo goob aan siyaasad ahaan ammaan ahayn Conakry ee dalka Guinea, cago caddaan ayuu ciyaari jiray kubbada oo xitaa mar marka qaar waxaa jug siin jiray baabuurta.

Laakiin waxaas oo dhibaato ah Keita kama hor istaagin inuu gaaro himiladiisa.

“Waxaan ku ciyaari jirnay wax kasta oo aan awoodno, cago cadaan ayaana ahaan jiray ama mararka qaar waxaan ku ciyaari jiray kabo duqoobay oo dul duleela, “Keita ayaa sidaa u sheegay Goal.

“Ma heysan jirin kabo iyo maaliyado. Waxaas oo dhan waxay iga caawiyeen inaan si fiican iminka wax kasta isugu diyaariyay, sidoo kale ma jiraan wax aan ka cabsanayo garoonka.

“Waxaan ahaa mid aad u yar sidaa darteed waa inaan wax kasta ku dagaalamaa, fursada aan ku ciyaari karo kubbada, si aan u helo xushmad taasina waa sababta aysan xitaa baabuurta ii joojin Karin.

Hooyadii Miriam iyo aabihii Sekou way hubeen in wiilkoodu uu noqon doono xirfadle kubbada cagta ah.

“Waxay hooyadeey ii sheegtay inaan ku ciyaari jiray oo goysmo ku sameyn jiray wax kasta oo ka soo dhaca miiska, ha ahaato caagada biyaha ama liin.

“Wax kasta oo dhulka yaala oo aan laadi karo waxaan ku mado daalin jiray nafsadeyda .

Keita ayaa sidoo kale sheekadiisa ku sheegay in  aabihii uu aad u taageeri jiray Liverpool isla markaana uu aad ugu farxay markii uu maqlay inay I xiiseynayaan, laacibka reer Guinean ayaa qudhiisa taageeri jiray Liverpool markii uu yaraa oo waxaa la helay isagoo xiran maaliyada reds.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close