Chelsea oo qaadaysa tilaab ka yaabi doonta taageerayaasheeda haddii ay Real Madrid ka iibiso Thibaut Courtois!

(London) 17 Luulyo 2018 Chelsea ayaa diyaar u ah inay ka yaabiso taageerayaasheeda hadii Real Madrid ay ka iibiso goolhaye Thibaut Courtois.

Saacado kooban oo kaliya ayaa ka harsan in Real Madrid ay ku dhawaaqdo saxiixa goolhayaha reer Belgium ee Thibaut Courtois.

Chelsea ayaana ku fikiraysa sidii ay dib ugu soo ceshan lahayd goolhayaheedii hore ee Petr Cech sida ay ogaatay Sky Sports.

Cech ayaa u muuqda mid aan boos ka haysan Arsenal xiliciyaareedka cusub maadaama tababare Unai Emery uu soo iibsaday goolhaye Bernd Leno suuqa xaggaagan.

Chelsea ayaa sidoo kale doonaysa goolhayaha Leicester City ee Kasper Schmeichel iyo midka Roma ee Alisson Becker.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close