Chelsea oo dooneysa inay ku garaacdo Liverpool saxiixa goolhayaha ree Brazil Alisson Becker

(Chelsea) 17 Luulyo 2018. Chelsea ayaa dooneysa inay ku garaacdo Liverpool saxiixa goolhayaha ree Brazil iyo kooxda Roma Alisson Becker.

Reds ayaa ku dalbatay 62 milyan oo ginni ayaa maanta u bandhigtay kooxda reer Talyaani ee Roma si ay ugu ogolaato in Alisson Becker uu u dhaqaaqo garoonka Anfield.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maamulka kooxda reer London ee Chesea ayaa waxay doonayaan in ay ka gudbiyaan Alisson Becker aduun dhan 70 million pound.

Blues ayaa u dirtay wakiilo kooxda reer Talyaani ee Roma si loo dhameystiro heshiiska ay ku dooneyso goolhaayaha reer Brazil, si ay u keensadaan Stamford Bridge.

Xiisaha ay ka muujineyso kooxda Chelsea saxiixa Alisson Becker ayaa wuxuu imaanayaa si ay kaga dhigato badalka Thibaut Courtois oo qarka u saaran inuu u dhaqaaqo kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close