Sababtii N’Golo Kante loo badalay Final-kii koobka adduunka oo la ogaaday! (Ma ahan dhaawac)

(Moscow) 16 Luulyo 2018 N’Golo Kante ayaa laga saaray kulankii Final-ka koobka adduunka waliba daqiiqadii 55-aad ee bilowga qaybtii labaad.

Waxaa loo fahmay in Kante uu dhaawac qabo kadib badalkii lagu badalay Steven N’Zonzi, waxaana la dareemayay in laacibku uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liitay.

Kante ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii uu u ciyaaray xulkiisa koobka adduunka, laakiin qaab ciyaareed aan lagu qancin ayuu soo bandhigay Final-kii koobka adduunka.

Le Parisien ayaa daaha ka qaaday in N’Golo Kante uu la dhibtoonayay calool xanuun daran intii ay socotay ciyaarta, calool xanuunka ayaana keenay inuu awoodi waayo inuu dhamaysto ciyaarta.

Tababare Didier Deschamps ayaa dareemay in Kante uusan dhamaysan karin ciyaarta, sababtaas ayuuna ugu badalay Steven N’Zonzi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close