Roberto Martinez oo kula taliyay Eden Hazard inay tahay waqtigii ku haboonaa uu ka tagi lahaa kooxda Chelsea

(Chelsea) 16 Luulyo 2018. Tababaraha reer Spain Roberto Martinez ayaa xaqiijiyay inay tahay waqtigii ugu fiicnaa uu Eden Hazard ka tagi lahaa kooxda Chelsea inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

27 jirkan ayaa lala xiriirinayay xiliyadii lasoo dhaafay inuu ku biiri doono horyaalka La Liga  ee dalka Spain gaar ahaan kooxda Real Madrid, si uu u noqdo badalka Cristiano Ronaldo.

Hadaba macalinka xulka qaranka Belgium Roberto Martinez ayaa kadib koobka aduunka wuxuu si cad u sheegay in ay tahay xiligii ku haboonaa uu Eden Hazard ka tagi lahaa kooxda Chelsea.

“Waa waqtigii ugu fiicnaa uu Eden Hazard jawiga badalan lahaa, si uu u tijaabiyo loolan cusub”.

“Hazard wuxuu ku gudi jiraa marxaladii ugu fiicneed xirfadiisa kubada cagta, wuxuu haatan awoodaa inuu qaado mas’uuliyada mashruuc weyn, aniga ahaan su’aasha ku aadan bixitaankiisa waxay leedahay jawaab fudud”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close