“Premier League waa kan ugu xiisaha badan, Talyaaniga waxaa loo daawan doonaa Cristiano Ronaldo, Spain sidoo kale Messi”… Mourinho

(Manchester ) 16 Luulyo 2018. Macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay go’aankii uu Cristiano Ronaldo ugu dhaqaaqay Juventus, suuqan xagaaga.

Mourinho ayaa ugu horeyn ku amaanay 33 jirka ay isku dalka kasoo wada jeedaan go’aankii uu ugu dhaqaaqay kooxda marwada duqda ah.

“Premier League waa horyaal tartankiisa aad u adag yahay waa kan ugu xiisaha badan, waxaana ku sugan ciyaartoy fara badan ee aad u wanaagsan”.

“Hada waxaa la daawan doonaa saddex tartan, qof walba wuxuu daawan doonaa horyaalka Talyaaniga sababa la xiriira Ronaldo, Premier League waa kan ugu xiisaha badan, Spain waxaa loo daawan doonaa sababa la xiriira Lionel Messi”.

Jose Mourinho ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay kooxda reer talyaani ee Juventus kadib markii ay ku guuleysteen saxiixa xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Cristiano Ronaldo.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Juventus af gambiga ay ka sameeyeen suuqan xagaaga ee kubada cagta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close