Mauro Icardi oo isku diyaarinaya inuu heshiis cusub u saxiixo Inter Milan

(Milan) 16 Luulyo 2018 Waxaa soo idlaaday waqtigii kooxda Inter Milan ay ugu talo gashay in la burburin karo qandaraaska Mauro Icardi.

Shalay ayuu ku ekaa waqtigii loogu talo galay in 110 milyan oo euro lagu burburin karo qandaraaska Mauro Icardi ee Inter Milan.

La Gazzetta dello Sport ayaa daaha ka qaaday in Inter ay haatan u diyaar garoobayso inay heshiis cusub ka saxiixdo Mauro Icardi.

Laacibka ayaa qalinka ugu duugaya kooxdiisa Inter Milan heshiis gaaraya ilaa 2023, wuxuuna sanadkii qaadanayaa mushaar dhan 6 milyan oo euro.

Mauro Icardi ayaa u sheegay kooxdiisa Inter in qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa aan sare loo qaadin oo uu ahaado kaliya 110 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close