Matuidi oo ka codsaday Pogba inuu dib ugu laabto Juventus iyo laacibka oo sameeyay falcelintaan! (MUUQAAL)

(Moscow) 16 Luulyo 2018 Blaise Matuidi ayaa ka codsaday saaxiibkiis Paul Pogba inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Juventus.

Labada laacib oo ka wada qayb qaadanayay dabaal dagii ciyaartoyda Faransiiska ee ku guulaysiga koobka adduunka ayaa is dhaafsaday hadalo ay la dheceen taageerayaasha Juventus.

Blaise Matuidi ayaa ku yiri Paul Pogba:

“Waa inaad imaataa Juventus, waxaa haboon inaad timaado markale”.

Pogba oo aad u faraxsanaa ayaa yiri:

“Ooooh, Marwada duqda ah, marwada duqda ah” oo uu ula jeedo naynaasta Juventus ee ah the Old Lady.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close