Kante XISHOOD badanaa wuxuu xitaa Xalay awoodi waayay inuu….(DAAWO)

(Russia) 16 Luulyo 2018. Xalay ma ahayn habeenkii Kante oo waxaa la badelay bilowga qeybta labaad ee ciyaarta balse shaki kuma jiro in Faransiiska uusan soo gaari lahayn Final ka haddii uu ka maqnaan lahaa xiddiga Chelsea.

Xiddigaha Faransiiska ayaa aad uga mahad naqay shaqada adag uu Kante u qabtay iyagoona ku heesayay Magaciisa kaddib markii ay 4-2 Final ka Koobka Adduunka uga qaadeen Croatia.

Madaalaha Blues ayaa lagu yaqaanaa inuu yahay xiddig xishood badan oo ay xitaa ku adag tahay inuu guddoomo abaal marinada uu mudan yahay isla markaana uusan marna jeclayn inuu is muujiyo isagoo xitaa kaxeysta baabuurta raqiiska ah.

Xishoodkiisa ayaa gaaray heer uu xitaa waydiisan waayo saaxiibadiisa Koobka Adduunka si uu isugu sawirro.

Sida uu warineyo Get French Football Steven N’Zonzi oo ahaa Laacibkii lagu badalay Ciyaarta ayaa xaqiisa u dooday, waxaana la helay Muuqaal isagoo koobka ka soo qaadaya Florian Thauvin isla markaana u dhiibaya Kante si uu Sawir ugu galo.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close