“Hadii uusan markan ku guuleysan Griezmann Ballon d’Or, waa in alaada garsoor caawiyaha ee VAR ay soo fara galisaa”…. Enrique Cerezo

(Atletico) 16 Luulyo 2018. Madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa kala hadlay “Radio Marca” ee dalka Spain dhowr arimood ay ugu muhiimsanaayeen heshiiskii uu Cristiano Ronaldo ugu dhaqaaqay kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Ugu horeyn madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa ka hadlay in ay muhiim tahay in saddex ka mid ah xidigaha kooxda ay nasiib u yeesheen in xulkooda ay kula guuleystaan koobka aduunka 2018.

“Dhamaan jamaahiirta kooxda Atletico Madrid aad ayay u faraxsan yihiin, sababtoo ah waxay heystaan sadeex ciyaartoy ee kusoo guuleestay koobka aduunka 2018”.

“Hadii aysan sanadkan u ogolaanin Antoine Griezmann ku guuleysiga Ballon d’Or, waxaan codsaneynaa in ay soo fara galisao alaada farsamada ee garsoor caawiyaha ee VAR”.

“Waxaan sidoo kale ka xumahay in horyaalka La Liga ee dalka Spain uu waayo xidig weyn sida Cristiano Ronaldo oo kale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close