“Go’aankii aan kaga soo dhaqaaqay Real Madrid isla markaana aan ku imid Juventus waa mid fudud”…Cristiano Ronaldo

(Juventus) 16 Luulyo 2018. Halyeeyga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa kasoo muuqday shirkiisii jaraa’id ugu horeeyay tan iyo markii uu yimid kooxda Juventus, kaasoo ay Bianconeri ugu soo bandhigtay saxaafada.

Ronaldo ayaa su’aalo badan la weydiiyay si toos ah kaga jawaabay saxaafada, wuxuuna ka hadlay go’aankii uu kaga soo dhaqaaqay kooxdiisii hore ee Real Madrid si uu u yimaado Juventus.

“Waxaan heysanaa tababare fiican iyo ciyaartoy heer sarre ah, halkan waxaa sidoo kale joogo madaxweyne weyn”.

“Go’aanka aan ugu dhaqaaqay Juventus waa go’aan sahlan”.

“Waxaan ahay qof jecel inuu u diyaar garoowo xiliga la joogo iyo mustaqbalka, wali waan yarahay, waxaana awoodaa inaan meel kasta ka ciyaaro”.

“Waxaan marwalba jeclahay inaan ka hor tago dhibaatooyinka jira, tan iyo kooxaha Sporting Lisbon, Manchester United iyo haatan aan joogo Juventus”.

Kooxda Talyaaniga ee Juventus ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigtay Cristiano Ronaldo warbaahinta kadib markii uu kasoo muuqday shirkiisa jaraa’id rasmi ah kaasoo ka dhacay dhawaan Allianz Stadium.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close