Gianluigi Buffon oo ka codsaday kooxda Paris Saint-Germain in ay shaqaaleesiiyaan saaxiibkiis gaarka ah

(PSG) 16 Luulyo 2018. Wargeyska “L’Equipe” ee dalka France ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in goolhaayaha waayeelka ah ee reer Talyaani Gianluigi Buffon uu ka codsaday kooxdiisa PSG in sameeyaan saxiixa saxiibkiis Gianluca Spinelli ee ah macalinka goolhaayaasha.

Sida uu shaaca ka qaaday wargeyska caanka ah ee reer France maamulka kooxda PSG ayaa waxay ku dhow yihiin inay sameeyaan saxiixa Gianluca Spinelli ee kasoo shaqeeyay dhamaan xulka Tlayaaniga, Genoa iyo sidoo kale Chelsea.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan In 51 jirkan uu ku sugnaa tan iyo shalay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana la filayaa inuu heshiis rasmi ah u saxiixo kooxda PSG saacadaha soo aadan.

Si kastaba PSG ayaa la soo saxiixatay dhawaan Gianluigi Buffon iyadoo ujeedku yahay in ay ku guuleystaan tartanka xiisaha badan ee Champions League-ga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close