“England waxaa ku sugan macalimiin wanaagsan sida Pep, Klopp, Mourinho iyo Pochetino”… Maurizio Sarri

(Chelsea) 16 Luulyo 2018. Macalinka cusub ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa ka hadlay inay jiri doonaan isbadalo uu ku sameyn doono kooxda Blues.

Maurizio Sarri ayaa qorsheenaya in kooxda reer London ee Blues uu ku dabaqo qorsho ciyaareedkiisa si uu ula dagaalamo kooxaha ugu waa weyn ee Yurub.

Chelsea ayaa isbuucan la saxiixatay 59 jirka  reer Talyaani si uu u noqdo badalka Antonio Conte, taasoo ka dhigeysa in markii ugu horeesay uu shaqo ka qaban doono xirfadiisa tababarnimo meel ka baxsan gudaha talyaaniga.

Maurizio Sarri ayaa wareysigiisii ug horeeyay wuxuu ku bixiyay shabakada rasmiga ah ee Chelsea khor inta uusan bilaawin shaqadiisa Blues.

“Waxaan qabaa in Chelsea ay tahay koox xoogan, lakiin dhibaatada ayaa ah inay jirto shan koox oo kale fiican ee ka ciyaarta horyaalka Premier League ah”.

“Laga yaabee inaad la soo saxiixano ciyaaryahan ama labo ciyaaryahan, malaha waxaan laga yaabaa in nooca kubada aan doonayo inaan halkaan keeno”.

“Halkan England waxaa jira tababarayaal waa weyn oo aad u wanaagsan waxaad wajaheysaa sida Pep, Klopp, Mourinho iyo Mauricio Pochetino xilli ciyaareedka soo socda”.

“Guardiola waa saaxiibkeyga aniga ahaan heerkiisa shakhsi ahaaneed, fekerkiisa wanaagsan ayaa aniga iga dhigaya inaan ku farxo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close