Muxuu ka yiri Antoine Griezmann kadib marka ay ku guuleysteen koobka aduunka 2018?

(World Cup) 15 Luulyo 2018. Xidiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku guuleysto Koobka Aduunka 2018 ee Russia, kadib markii ay Croatia ku xasuuqeen 4-2.

Antoine Griezmann ayaa kulankan ka dhaliyay gool rigoodhe ah wuxuuna kaalin weyn ka qaatay in xulkiisa uu ku guuleysto koobka aduunka  2018.

“Ma garanayo halka aan joogo, runtii waan faraxsanahay, waxay aheyd ciyaar aad u adag”.

“Croatia waxay ciyaartay kulan weyn, si dhaqso ah ayaan ku soo laabanay, waxaan u ciyaarnay si tartiib ah, waxaana ku guuleysanay inaan isbedel sameyno”.

“Waa wax cajiib ah, ma sugi karno ilaa iyo aan dib ugu laabano France inagoo sidana koobka aduunka”.

“Waan ka cago jiiday inaan u tuuro rigoorada sida Zidane ee sanadii 2006, laakiin waxaan awoday ugu dambeyn in aan furo si dagan cagteyga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close