Luka Modric oo loo doortay laacibkii ugu fiicnaa koobka adduunka iyo abaal marinadii kale ee laga bixiyay koobka adduunka

(Moscow) 15 Luulyo 2018 Kabtanka xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa loo doortay laacibkii ugu fiicnaa koobka adduunka.

Luka Modric ayaa ku hogaamiyay xulkiisa Final-ka koobka adduunka, balse uma suurogalin inuu hanto koobka.

Mbappe ayaa loo doortay da’yarkii ugu fiicnaa koobka adduunka, kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay.

Harry Kane ayaa loo doortay gool dhaliyihii ugu wanaagsanaa koobka adduunka kadib markii uu dhaliyay 6-gool.

Thibaut Courtois ayaa loo doortay goolhayihii ugu wanaagsanaa koobka adduunka.

Xulka Spain ayaa ku guulaystay ciyaar wanaaga koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close