“Ku guulaysiga koobaka adduunka wuxuu noqonayaa …….” – Luka Modric oo hadlay

(Moscow) 15 Luulyo 2018 Kabtanka xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ka hadlay kulanka galabta ay la ciyaarayaan xulka France Final-ka koobka adduunka.

Luka Modric ayaa sheegay in ku guulaysiga koobka adduunka uu noqonayo guushiisii ugu waynayd ee uu gaaro noloshiisa.

32 jirkaan oo waraysi gaar ah bixiyay ka hor kulanka ayaa yiri:

“Shaki la’aan, ku guulaysiga koobka adduunka wuxuu noqonayaa guushaydii ugu waynayd ee noloshayda, ciyaarida Final-ka koobka adduunka ayaa ah guul aanan waligay horay u gaarin”.

“Guulo waa wayn ayaan gaaray  xirfadayda, guulo aan ku riyoon jiray ayaan xaqiijiyay, laakiin ciyaarida Final-ka koobka adduunka ee xulka Croatia waa wax aan la rumysan karin”.

“Inta aan noolahay waan xusuusan doonaa, haddii aan qaadno koobka ayaaba ka sii daran, ma garanayo wax aan ku tilmaamo, ma garanayo hal hadal oo aan ku micnayn karo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close