Hooyada dhashay Adrien Rabiot oo doonaysa in wiilkeedu uu ku biiro Barcelona

(Barcelona) 15 Luulyo 2018 Barcelona ayaa heshiis afka ah la gaartay laacibka qadka dhexe ee kooxda PSG ee Adrien Rabiot.

Laakiin maamulka PSG ayaa diidan in laacibku uu ka tago kooxda suuqa kala iibsiga ee xaggaagan, arinkaas ma ahan mid ay ku qanacsan tahay hooyada dhashay laacibka.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Adrien Rabiot hooyadiis ay doonayso in wiilkeedu uu isbadal sameeyo, waxayna la dhacsan tahay inuu ku biiro Barcelona.

Agaasimaha ciyaaraha Barcelona ee Eric Abidal ayaa xiriir joogto ah la sameeya Adrien Rabiot iyo waliba hooyadiis, waana sababta laacibku uu ugu cadaadinayo kooxdiisa in loo ogolaado ku biirida Barcelona.

Maanta ayaa la filayaa in Eric Abidal uu magaalada Moscow kula kulmo milkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi si uu ugu qanciyo iibka Adrien Rabiot.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close