Halyayga reer Croatia Davor Šuker oo sheegay in uu ku faraxsan yahay guulihii taariikhiga ahaa uu dalkooda ka gaaray koobka aduunka 2018

(World Cup) 15 Luulyo 2018. Halyayga reer Croatia Davor Šuker ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay guulihii taariikhiga ahaa uu dalkooda ka gaaray koobka aduunka 2018.

Kadib marka ay soo idlaatay ciyaartii finalka koobka aduunka 2018 ku dhex martay xulalka France iyo Croatia ayuu halyayga Davor Šuker kala hadlay saxaafada dareeniikiisa.

“Aad ayaan ugu faanayaa ciyaartoyda, tababaraha iyo dhamaan xulka, Laakiin waa meel wanaagsan, waan ku faraxsanahay inaan gaarno ujeedkan”.

“Faransiiska way guuleysteen dhamaadka waxay ahaayeen kuwo aad u fiican”.

“Waxay ahayd guul weyn ee wada jir ah, aniga waxaan ahay dhanka Pogba iyo  Mbappé, si la mid ah macalinka, sidoo kale Luka Modric oo ahaa mid cajiib ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close