Gary Lineker oo sheegay in xulka qaranka France uu ku ciyaarayo 12-laacib kulanka Final-ka

(Moscow) 15 Luulyo 2018 Halyeeyga reer Ingiriis ee Gary Lineker ayaa si wayn u amaanay laacibka xulka France ee N’Golo Kante.

Gary Lineker ayaa sheegay in xulka Faransiisku uu ku ciyaarayo 12-laacib, maadaama Kante uu kaligiis u dhigmo labo laacib.

Wuxuu sheegay inuu yahay laacib taagan meel walba isla markaana leh tayo aad u saraysa taas oo ka dhigaysa inuu u dhigmo labo laacib.

“N’Golo Kante ani ahaan waa laacibka ugu fiican koobk adduunka” ayuu yiri Gary Lineker ka hor ciyaarta.

“France waxay ku ciyaaraysaa 12-laacib marka uu joogo Kante, waxaad dareemee inuusan ahayn hal laacib ee uu yahay labo laacib, meel walba ayuu taagan yahay, sidoo kale tayo fiican oo dhanka baasaska ah ayuu leeyahay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close