“Dejan Lovren waa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican caalamka”… Jürgen Klopp

(Russia) 15 Luulyo 2018. Klopp ayaa wuxuu ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedka Dejan Lovren uu ka sameeyay koobka aduunka 2018.

Hadalka Jürgen Klopp ayaa wuxuu imaanayaa ka hor kulanka maanta ee finalka Koobka Aduunka ee 2018 ay ku balansan yihiin xulalka Croatia iyo France.

Dejan Lovren ayaa ku muujiyay awoodiisa difaaceed kulamadii uu kasoo muuqday goobka aduunka, kadib markii uu xulkiisa ka caawiyay in uu gaaro kulanka finalka koobka aduunka 2018.

Jürgen Klopp ayaa kahor kulankan la hadlay shabakada “Goal” ee dalka England sida aysan layaab ugu noqon qaab ciyaareedka Dejan Lovren ee koobka aduunka 2018.

“Aniga ahaan qaab ciyaareedka Dejan Lovren layaab iguma ahan, wuxuu bandhig wanaagan ka sameeyay koobka aduunka 2018”.

“Laakiin waxaa wanaagsan inuu halkiisa kasii wado, waxaana kala shaqeyn doonaa marka uu dib ugu soo laabto kooxda Liverpool”.

“Dejan Lovren waa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican caalamka, waana ku faraxsanahay isaga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close