“Waxaa muhiim ah in aan ku guuleysano koobka adunka 2018”… Pogba

(Moscow) 14 Luulyo 2018.Paul Pogba ayaa sheegay inuu xiiseenayo in xulkiisa france uu kula guuleysto koobka aduunka 2018 ee dalka Russia.

“Xaqiiqdii waan faraxsanahay, laakiin ma rabo inaan ku faano ilaa iyo haatan, waxaan doonayaa inaan sugo, sababtoo ah ma jiraan ilaa iyo haatan waxaan ku guuleesanay”.

“kadib finalkii Champions League ee 2015, iyo Euro 2016, waxaa muhiim ah in markaan aan sare u qaado koobka aduunka”.

“Waxaa muhiim ah inaan xasuusno finalkii euro 2016, waan ka war qabnaa in xulka Croatia uu yahay xul cajiib ah, laakiin sidaas ay tahay waxaa muhiim ah inaan guul gaarno”.

Si kastaba xulalka Croatia iyo France ayaa habeen dambe ku balansan in ay ku wada ciyaaraan finalka koobka aduunka 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close