Unai Emery oo ka yaabiyay ciyaartoyda Arsenal kadib kulankii galabta! (Muxuu sameeyay)

(London) 14 Luulyo 2018 Arsenal ayaa galabta la ciyaartay kooxda Boreham Wood kulankii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xiliciyaareedka cusub.

Gunners ayaa uga adkaatay Boreham Wood 8-0, ciyaartoyda ayaana is lahaa ciyaarta kadib waxaad heli doontaan fasax.

Balse tababare Unai Emery oo doonaya inuu dhiso kooxdiisa ayaa u sheegay inuusan jirin laacib aadaya gurigiisa.

Tababaraha ayaa ku amray ciyaartoyda inay dib ugu laabtaan xarunta tababarka ee Arsenal halkaas oo ay ku qaadanayaan tababar kale.

Unai Emery ayaa doonaya in ciyaartoydiisu ay sifiican u diyaar garoobaan ka hor kulanka furitaanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Man City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close