Rumayso ama ha Rumaysan: Everton oo caawa ku adkaatay 22-0!!

(Austria) 14 Luulyo 2018 Kooxda Everton ayaa caawa gaartay guul wayn oo ay adag tahay in kooxi ay gaarto xitaa kulan iska baashaal ah.

Everton ayaa 22-0 uga adkaatay kooxda ATV Irdning, tababare Marco Silva ayaana kooxdiisa la gaaray guul wayn.

Kevin Mirallas ayaa kaligiis ciyaarta ka dhaliyay 5-gool, Cenk Tosun iyo Niasse ayaa dhaliyay min 4-gool, Lookman ayaa dhaliyay 3-gool.

Vlasic ayaa dhaliyay 2-gool, Holgate, Keane, Baines ayaa dhaliyay min hal gool iyo gool uu iska dhaliyay laacib ka tirsan kooxda kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close