Roberto Martínez oo sheegay in ciyaartoyda xulka qaranka Belgium ay u qalmeen guushan ay gaareen

(Russia) 14 Luulyo 2018. Xulka qaranka Belgium Roberto Martínez ayaa wuxuu ku guuleestay in koobka aduunka 2018 uu kaga dhameysto booska saddexaad kadib markii ay maanta guul kaga gaareen 2-0 England.

Kadib marka uu kulanka soo idlaaday macalinka xulka qaranka Belgium ayaa la hadlay saxaafada wuxuuna u sheegay inuu ku faanayo guushan ay gaareen.

“Waan ku faraxsanahay guushan weyn uu gaaray xulka qaranka Belgium, ciyaartoydan in badan ayay u qalmeen, waxay soo bandhigeen kulamo dhowr ee cajiib ah”.

Waxaa xusid mudan in guushii ugu weyn uu koobka aduunka ka gaaro waxay ahayd inuu gaaray booska afaraad, koobkii aduunka 1986.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close