“Real Madrid way ka shalaayn doontaa bixitaanka Cristiano Ronaldo”…Ramón Calderón

(Madrid) 14 Luulyo 2018. Ramón Calderón oo madaxweyne kasoo noqday kooxda Real Madrid ayaa xaqiijiyay in Los Blancos ay ka shalaayn doonto heshiiskii uu Cristiano Ronaldo uu ugu biiray Juventus.

Kooxda reer Talyaani ayaa u siin doonta Cristiano Ronaldo mushaar ahaan sanadkii qiimo dhan 30 million euros, wuxuuna saxiixi doonaa heshiis ilaa iyo 2022.

Calderón oo ka careesan madaweyne Perez   ayaa la wadaagay saxaafada “Real Madrid way ka qoomameyn doontaa qaladka ay ku fasaxday Cristiano Ronaldo”.

“Bixitaanka Cristiano Ronaldo ma buuxin karaan booskiisa xidigaha Mbappé iyo Neymar”.

“Dhamaanteen ma aanan ku fikirin in uu baxayo Cristiano Ronaldo kadib markii la gaarsiiyay qiimaha lagu kansali karo heshiiskiisa aduun dhan hal bilyan euro”

“Dharbaaxo weyn ayay noqon doontaa bixitaanka Ronaldo, Florentino Perez ayaana qaadi doono mas’uuliyadeeda, sababtoo ah Cristiano waa ciyaaryahanka ugu fiican aduunka”.

“Kadib ku biiristiisa waan hubaa in kooxda Juventus ay u dagaalami doonto ku guuleysiga UEFA Champions League xili ciyaareedka soo socda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close