RASMI: Chelsea oo magacaawday tababare Maurizio Sarri

(London) 14 Luulyo 2018 Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa tababaraha reer talyaani ee Maurizio Sarri kaas oo badal u ah Antonio Conte.

Kooxda ayaa soo bandhigtay tababareheeda cusub ee Maurizio Sarri kaas oo qalinka ugu duugay heshiis dhan 3-sano.

Maurizio Sarri ayaa badalaya tababarihii hore ee Chelsea ee Antonio Conte kaas oo shalay laga cayriyay shaqada kooxda Blues.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan imaado Chelsea iyo Premier League” ayuu yiri tababare Maurizio Sarri.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close