Paolo Maldini oo difaacay go’aankii uu Gianluigi Buffon ugu dhaqaaqay kooxda Paris St Germain

(Italy) 14 Luulyo 2018. Halyayga kooxda AC Milan Paolo Maldini ayaa ka hadlay go’aankii uu kooxda Juventus kaga dhaqaaqay Gianluigi Buffon si uu ugu biiro Paris St Germain.

Paolo Maldini ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “La Gazzetta dello Sport” wuxuu kaga hadlay ku biirista Gianluigi Buffon ee kooxda Paris St Germain.

“Way adag tahay inaad go’aamiso mid ka mid ah saaxiibadaa, qof walba wuxuu ka fikirayaa madaxiisa, laakiin ma arko go’aan qaldan uu qaatay isaga”.

“Ma uusan u dhaqaaqin horyaalka dalka Shiinaha oo kubad ahaan in badan ka hooseysa Juventus”.

“Buffon wuxuu u dhaqaaqay koox doneysa inay u dagaalanto Champions League, sidaas darteed waxaa suuragal ah inuu gaaro guul weyn ee taariikhi ah, taasoo ahayd mida uu ku riyoonayay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close