Neymar oo dhiiragaliyay xidigaha Kylian Mbappé iyo Ivan Rakitić kahor kulanka finalka koobka aduunka 2018

(Russia) 14 Luulyo 2018. Neymar ayaa fariimo kala duwan ee dhiiragalin ah u diray saaxiibkiis kooxda Paris Saint – Germain Kylian Mbappé iyo sidoo kale Ivan Rakitić oo ay saaxiibo horey kusoo ahaayeen Barcelona, kahor maalin finalka koobka aduunka ee 2018.

Xulalka Croatia iyo France ayaa ku kulmi doona habeen dambe ee Axada kulanka finalka koobka aduunka 2018 ee sanadkan uu marti galiyay dalka Russia.

Hadaba kahor kulankan Neymar Jr ayaa wuxuu kusoo qoray bartiisa rasmiga ah ee Instagram-ka qoraal uu labada laaciba ugu muujiyay sida uu u taageerayo kulanka finalka koobka aduunka.

“Waxaa taageerayaa wiilka dahabka ah Kylian Mbappé iyo saaxiibkey kooxda Barcelona Ivan Rakitić, labadiinaba waxaan idin rajeenayaa guul maalinta Axada”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close