Maxaa ka cusub heshiiska ay kooxda Inter Milan ku dooneyso saxiixa Angel de Maria?

(Inter) 14 Luulyo 2018. Inter Milan ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto saxiixa xidiga kooxda Paris St Germain suuqan xagaaga.

Sida laga soo xigtay website-ka “Calcio Mercato”, Inter ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato xidiga reer Argentina iyo kooxda Paris St Germain Angel de Maria.

Calcio Mercato ayaa shaaca ka qaaday sidoo kale in ku biirista Angel de Maria ee kooxda Inter Milan ay u noqon doonto faa’iido weyn, isagoo dhinaca kale tilmaamay In qiimaha xidigan uu gaarsiisan yahay 40 milyan euro.

Kooxda Inter Milan ayaa dooneysa inay sameyso saxiixyo cusub ee muhiim u noqon kara, kadib markii ay xaqiijiyeen ka qeyb galkooda tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League.

Sidoo kale Inter ayaa waxay dooneysaa in kooxaha Juventus iyo Napoli ay kula dagaalanto horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga xili ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close