“Maalmo yar kahor Eden Hazard ayaa ii sheegay inuu u socdo Real Madrid”… Brian Laudrup

(Real Madrid) 14 Luulyo 2018. Xidigii hore xulka qaranka Denmark Brian Laudrup ayaa sii kordhiyay wararka sheegaya in Eden Hazard uu u dhaqaaqayo Real Madrid si uu u noqdo bedelka Cristiano Ronaldo, kaasoo haatan u dhaqaaqay Juventus.

Kabtanka xulka Belgium ee Eden Hazard ayaa daaha ka qaaday war wayn oo ku aadan mustaqbalkiisa kooxda Chelsea. Wuxun si cad u sheegay in la gaaray xiligii uu sameyn lahaa is badal.

Laakiin halyayga xulka qaranka Denmark Brian Laudrup ayaa dabka ksii shiday wararka xanta ah ee ku aadan in Hazard uu kusii jeedo Real Madrid.

“Waxaan la hadlay Hazard dhowr maalmood kahor, waxaana uu ii sheegay inuu u socdo Real Madrid, doorasho wanaagsan, sababtoo ah waa ciyaaryahan caalami ah”.

“Sidoo kale waxaa ka mid ah saxiixyada la filayo inay gaaraan Real Madrid Kylian Mbappé ama Neymar, laakiin ma awoodo inaan arintan ka hadlo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close