“Kadib 6-sano oo aan ku qaatay Chelsea waxaa la joogaa …….” – Hazard oo daaha ka qaaday war wayn!

(Moscow) 14 Luulyo 2018 Kabtanka xulka Belgium ee Eden Hazard ayaa daaha ka qaaday war wayn oo ku aadan mustaqbalkiisa kooxda Chelsea.

Hazard ayaa sheegay kadib 6-sano oo uu ku qaatay Chelsea in la joogo waqtigii uu samayn lahaa tijaabo cusub.

Laacibka ayaa bixiyay waraysi uu si maldahan ugu sheegayo inuu ku biirayo kooxda Real Madrid haddii Chelsea ay u ogolaato inuu baxo.

“Kadib 6-sano oo cajiib ah oo aan ku qaatay Chelsea, waxaa laga yaabaa in la joogo waqtigii aan samayn lahaa tijaabo cusub” ayuu yiri Hazard kadib kulankii Ingiriiska.

“Kadib dhamaadka koobka adduunka ayaan kala go’aansan doonaa inaan sii joogayo ama inaan baxayo, balse Chelsea ayaa qaadan doonta go’aan kama danbays ah”.

“Haddii ay ii ogolaadaan inaan baxo waad garanaysaa kooxda aan doorbidayo ku biirideeda, waxay ila xiriiriyeen kooxaha oo dhan, isbuuca soo socda waxay ila xiriiri doonaan Bayern Munich, dabcan waan kaftamayaa”.

“Dadka oo dhan ayaa og kooxda aan doorbidayo ku biirideeda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close