Croatia oo ay ka Maqan yihiin Shan Cayaariyahano iyadoo 48 saac ay ka hartay Finalka Koobka Adduunka

( Moscow ) 14 Luulyo 2018. Qaranka Croatia ayaa markii u horeeysay taariikhda gaaray finalka koobka adduunka markii ay 2-1 kaga adkaadeen England ciyaar waqti dheeri ah lagu daray.

Balse natiijadaas quruxda badan oo ay gaareen waxaa iminka lasoo warinayaa in dhibaato xoogaan ay soo food saartay xulka.

Tababartii Croatia ee maalinimadii jimcaha ayaa waxaa ka maqnaan shan cayaariyahano, haba ugu weynaato shakiga ku jiro laacibiinta Ivan Perisic iyo Ivan Strinic ka hor finalka cayaaraha adduunka.

Cayaarta ay wajihi doonaan France; cayaariyahanada kala Dejan Lovren, Danijel Subasic iyo Sime Vrsaljko ayaa sido kale seegay tababarka  laakiin badanaa waa kuwo laga taxadarayo.

Labada xiddig ee Perisic iyo Strinic ayaa dhameystay kulankii afar dhamaadka ay guusha ka gaareen England iyadoo laacibka garabka uga dheela kooxda Inter jimcihii la marsiiyay baaritaan lagu ogaanayo xaaladiisa taam ahaansho.

Image result for Croatia without five star players 48 hours before World Cup final

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close