“Belgium way sii fiicnaan doontaa”… Eden Hazard

(Russia) 14 Luulyo 2018. Kabtanka xulka qaranka Belgium Eden Hazard ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ciyaartoyda xulkiisa kadib marka ay kaalinta saddexaad ee koobka aduunka 2018 xaqiijisteen.

Xulka qaranka Belgium ayaa guul 2-0 kaga gaaray kulankii ay dhawaan ugu dagaalameen kaalinta saddexaad ee koobka aduunka ee 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaartoyda iyo dalka, waan ku faraxsanahay inaan u ciyaarno kooxdan”.

“Waxaan qabaa inaan sii wanaagsanaan doono labada sano kale ee soo aadan, weli waxaan dareemeynaa murugo ku saabsan guuldaradii kulankii wareega afar dhamaadka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close