Ancelotti oo si shaqsi ah u la xiriiray Karim Benzema

(Naples) 14 Luulyo 2018 Tababaraha kooxda Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa si shaqsi ah u la xiriiray weerar yahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

TuttoMercato ayaa baahisay in Ancelotti uu dhawr jeer si toos ah u la xiriiray Benzema si uu ugu qanciyo inuu ku la biiro Napoli suuqa xaggaagan.

Image result for Ancelotti Benzema

Napoli ayaa u soo bandhigtay Karim Benzema heshiis 3-sano ah oo sanadkii uu ku qaadanayo lacag dhan 9 milyan oo euro.

Benzema ayeey u badan tahay inuu ka tago Real Madrid suuqa kala iibsiga ee xaggaagan, maadaama dalab fiican uu ka haysto tababarihiisii hore ee Carlo Ancelotti.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close