Xiddiga Kooxda Chelsea Eden Hazard oo heshiis la gaaray koox weyn oo ka dhisan Spain… (Ma Real Madrid mise Barcelona?)

(London) 13 Luulyo 2018. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa la soo warinayaa inuu heshiis la gaaray naadiga Barcelona ee dalka Spain.

27-sano jirkaan ayaa heshiiskiisa uu kula jiro kooxda ka dhisan garoonka Stamford Bridge ee Blues waxaa uga harsan labo sanadood, welina ma ogolaanin inuu qandaraas cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa reer England.

Hazard horay ayuu si cad u sheegay inay dhici karto inuu ka tago Galbeedka Magaalada London, haddii la xalin waayo xaaladda Maamul ee kooxda Chelsea.

Real Madrid ayaa sidoo kale la la xiriirinayey saxiixa Hazard, laakiin sida uu warinayo Warsidaha ransfermarketweb, xiddiga xulka qaranka Belgium ayaa ogolaaday inuu u saxiixo Kooxda Catalan, isagoo ugu dhaqaaqi doona 80 milyan oo gini.

Hazard ayaa haatan xulkiisa qaranka Red Devils kula sugan Koobka Adduunka, waxaana kulanka kaalinta saddexaad ay berri la ciyaari doonaan dhiggooda England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close