Real Madrid iyo labo laacib oo ka tirsan Chelsea ayaa ka caawinaya Barcelona saxiixa Willian (Sidee?)

(Barcelona) 13 Luulyo 2018 Barcelona ayaa shalay kor u qaaday qiimaha ay ku doonayso laacibka garabka weerarka uga ciyaara Chelsea iyo xulka Brazil.

Willian ayaa qaab ciyaareed aad loola dhacay ku soo bandhigay kulamadii uu xulkiisa u ciyaaray koobka adduunka 2018.

Image result for courtois hazard Real Madrid

Thibaut Courtois iyo Eden Hazard ayaa laga doonayaa kooxda Real Madrid, xiddigahaan iyo kooxda doonaysa ayaana ka caawin kara Barcelona saxiixa Willian sida ay baahisay Star.

Tababare Maurizio Sarri ayaa doonaya inuu sii haysto dhamaan ciyaartoydiisa, mana ogolaan doono inuu iska diro xiddigihiisa ugu muhiimsan, balse bixida Hazard iyo Courtois ayaa ku qasbaya Willian inuu isna baxo.

Ku biirida goolhaye Courtois iyo Hazard ee Real Madrid ayaa ka dhigaysa Willian inuu isaguna doorto ka tagista Chelsea oo aan ka qayb galayn Champions League xiliciyaareedka cusub.

Willian ayaa dareensan in tababare Maurizio Sarri uusan hor istaagi karin ku biiridiisa Barcelon mar haddii ay kooxda ka tagaan labadaas xiddig.

Kooxda reer Spain ayaa kor u qaaday dalabka ay ku doonayso Willian, waxaana jira warar sheegaya inay gaarsiisay ilaa 60 milyan oo Ginni.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close