Messi oo joojiyay fasaxiisii xaggaaga isla markaana dib ugu soo laabtay Barcelona

(Barcelona) 13 Luulyo 2018 Lionel Messi ayaa joojiyay fasaxiisii xaggaaga oo uu ku qaatay xeebaha badda Caribbean-ka sida uu baahiyay wargayska Sport.

Laacibka ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Barcelona, si uu fasaxiisa ugu dhamaysto dalka Spain gaar ahaan xeebta dalxiiska ee Ibiza, halkaas oo ay fasax kula qaadanayaan qoyskiisa iyo qoysaska Fabregas iyo Suarez.

Maadaama Messi xulkiisa Argentina uu la gaaray wareega 16-ka ee koobka adduunka, wuxuu xaq u lahaa inuu maqnaado ilaa 30-ka bishaan.

Laakiin laacibka ayaa go’aansaday inuusan fasax ku lumin waqtigiisa isla markaana uu qayb ka noqdo ciyaartoyda Barcelona ee kulamada is diyaarinta xiliciyaareedka ku ciyaaraya dalka Maraykanka.

Messi ayaa dib ugu soo laabanaya tababarka Barcelona 24-ka bishaan, wuxuuna ka soo hormarayaa waqtigii horay loo qorsheeyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close