Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Argantina Claudio Tapia oo ku fikiraya in uu shaqada ka casilo Jorge Sampaoli saacadaha soo aadan

(Argantina ) 13 Luulyo 2018. Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Argantina Claudio Tapia ayaa  ku fikiraya in uu shaqada ka casilo macalinka xulka qaranka Jorge Sampaoli saacadaha soo aadan.

“tyc” ayaa shaacisay in xiriirka kubada cagta dalka Argantina uu go’aansaday inuu shaqada ka fasaxo Jorge Sampaoli, kadib hoos u dhaca weyn ee ku yimid xulka Tango.

Shabakada ayaa waxay intaas kusii dartay in qiimaha ku xusan heshiiska in lagu kansali karo uu yahay dhibaatada kaliya ee jirta maadaama uu yahay qiimo aad u xoogan.

Xiriirka kubada cagta dalka Argantina ayaa kala soo saxiixday tababare Jorge Sampaoli kooxda Sevilla ee horyaalka La Liga dalka Spain, waxayna haatan ceyrintiisa imaaneysaa kadib markii ay isaga hareen koobka aduunka 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close