Ivan Rakitic oo markale ugu baaqay FIFA in abaal marinta xiddiga adduunka la siiyo Luka Modric

(Moscow) 13 Luulyo 2018 Laacibka xulka qaranka Croatia ee Ivan Rakitic ayaa markale ku celiyay ololaha uu ugu dadaalayo in Ballon d’Or la siiyo Luka Modric.

Labada laacib ayaa xulka Croatia la gaaray final-ka koobka adduunka, Ivan Rakitic ayaana sii bilaabay cadaadis uu saarayo xiriirka kubadda cagta adduunka.

Image result for modric ballon d'or

Ivan Rakitic oo la hadlay saxaafada ka hor kulanka France ayaa yiri:

“Ballon d’Or waxaa haboon in la siiyo hogaamiyaheena Luka Modric waayo waa uu u qalmaa inuu ku guulaysto, waan hubaa in FIFA ay siinayso isaga”.

“Si wada jir ah ayaan u ciyaaraynaa muddo dhan 11-sano, marka midkeen kan kale uu fiiriyo waa uu garanayaa waxa uu ka doonayo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close