“Griezmann iyo Mbappé, waxay mari doonaan wadada aan marsiinay xidigo badan uu qeyb ka yahay Lionel Messi”… Zlatko Dalić

(Russia) 13 Luulyo 2018. Zlatko Dalić ayaa sheegay in kalsooni xoogan uu ku qabo ka hor tagida halista xidigaha Griezmann iyo Mbappé, sida ay horeyba  u joojiyeen kulankii ay la ciyaareen Messi.

“France waa xul aad u adag, waxay heystaan ciyaartoy tayo leh ee aad u wanaagan”.

“Waxaan kusoo guuleesanay joojinta halista Messi, Eriksen iyo Kane, sidaas daradeed waxba uma aragno inaan joojino Griezmann iyo Mbappé”.

Si kastaba xulka qaranka Croatia oo bandhig wanaagan kala soo muuqday tartanka koobka aduunka ayaa wuxuu Axada kulanka finalka kula ciyaari doonaa dhigiisa France oo loo saadaalinayo inuu ku guuleysan doono.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close